4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2017
Ku dhawaan 60 ruux oo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay gobolka Baay

 Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ku dhawaan 60 ruux halkaa ugu geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka deegaano hoostaga degmada.

Dadka ku geeriyooday cudurka shubanka ayaa isugu jira carruur iyo dad waa weyn, waxaana jira dad fara badan oo aad u liita, kuwaasoo goobo caafimaad la dhigay.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada ee deegaanka Ow-diinle C/llaahi Cumar Maxamed ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka shuban biyoodka ay gaarayaan illaa 6o ruux.

Waxaa uu sheegay in in ka badan 60 kale ay la il daran tahay, waxaa uu ku baaqay in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka uu soo ritay cudurkan.

Isbitaallada iyo goobaha caafimaadka oo u hagaagsaneyn sidii loo bahnaa ayaa la tacaalaya caafimaadka dadka uu cudurkan soo ridanayo.

Ugu danbeyntii, deegaanada abaaraha ka jirta waxaa laga soo sheegayaa cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay, waxaana jira in meelaha qaar inaan la gaarsiin gargaar daawo leh, taas oo keentay in dad badan u geeriyoodaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]