4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2017
IOM oo ku baaqday in dhaqse wax looga qabto abaarta ka jirta geeska Africa

 Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) – Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ayaa dalbaday 24.6 milyan oo doolar-ka Maraykanka ah  si  wax looga qabto abaaraha sii fidaaya geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya.

Stephane Dujarric, ayaa sheegay in loo baahan yahay boqolaal milyan oo dollar in la helo si wax looga qabto Abaaraha ka jira Geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in aan indhaha laga qarsan dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhacaya Soomaaliya ee ay sababeen abaaraha.

” Lacagtaan hadda uu dalbaday IOM waxaa loogu tala galay in wax looga qabto abaaraha iyo sidoo kale nafaqa darada ka jirta Soomaaliya, waxa loo baahan yahay in si deg deg ah sare loogu qaado gurmadka, dad badan ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan Abaaraha” ayuu yiri Stephane Dujarric.

Waxaa sii xogeysanaya qeylodhaanta ka soo baxeysa caalamka intiisa kale iyo hay’addaha banni’aadnimada ka shaqeeya oo ku baaqa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto abaarta ka jirta dalka Soomaaliya oo aad uga sii dareysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]