4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2017
Xildhibaannada baarlamaanka oo maanta kulmaya

 Sabti, Maarso, 04, 207 (HOL) -Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ay ku doonayaan in ay ku meel mariyaan qaraaro uu ku jiro gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Sida ay xaqiijiyeen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inta uu socdo kulanka waxaa aad loogu faaqi doonaa meelmarinta sharciyo dhowr ah waxaana ugu weyn gurmadka abaaraha.

Abaaraha ka jira dalka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaanaya , waxaana Guddiga gurmadka Abaaraha ay sheegayaan in ay wadaan dadaallo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.

Ugu danbeyntii, xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doonaya in arintaasi ay ku biiriyaan agtidooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]