4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2017
Ciidanka dowladda oo howlgallo ka sameeyay Gobolka Gedo

Sabti, Maaro, 04, 2017 (HOL)- Ciidamadda dowladda Soomaaliya, ayaa howlgallo xooggan ka sameeyey deegaano ka mid ah Gobolka Gedo, waxaana ay kusoo qab-qabteen dhalinyaro aad u farabadan oo ay ku eedeeyen in ay ka tirsanyihiin Xarakadda Al Shabaab.

Col. Faarax Cabdi Casharo, ayaa wariyaasha deegaanka u sheegay in howlgalka badankiisa ay ka sameeyeen degmadda Garbahaareey ee xaruunta Gobolka Gedo.

Colonel-ka ayaa intaasi ku daray, in dhawaan ay 500 oo askari ay damacsanyihiin in ay u-furaan tababaro si ay qeyb-uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Waalidiinta dhalinyarada ciidanka ay xabsiga dhigeen oo aan isku daynay in aan la xiriirno, nooma aysan suuragalin.

Maamulka Gobolka Gedo ee Soomaaliya, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu waday howlgallo amni xaqiijin ah oo ay ka sameynayeen deegaanadda Gobolka, halkaas oo mararka qaar ay Al Shabaab weeraro ka geystaan.

Hassan Istiila