Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha oo la magacaabay
Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha cusub ee
xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee isugu jirta xil ka qaadis iyo
magacaabis, iyadoo xilka uu ka qaaday Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul
Wasaaraha C/salaam Salwe.
Wareegto ka soo baxday ra’iisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Xoghayaha
Joogtada ee Xafiiskiisa, waxaana xilkan loo magacaabay Maxamed Keynaan oo horay
u ahaa Afhayeenkii Guddiga doorashada heer federal.
C/salaam Salwe oo xilkan horay u hayauy, isla markaana uu u magacaabay
Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo xil
ka qaadista, iyo ninka loo magacaabay xilkan.
Mr Keynaan ayaa horay la Taliye u ahaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh
Maxamuud, waxaa la sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaaraha ay saaxib dhow
yihiin.
Madaxda Soomaalida ayaa caado u ah marka ay xilalka la wareegaan inay
durbaba magacaabaan xubnaha la shaqeynaya ama howl wadeenada xafiiskooda.
Ugu danbeyntii, xilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ra’iisul Wasaare
Kheyre magacaabo, maalin kaddib markii uu codka kalsoonida ka helay
Baarlamaanka, xafiiskana kala wareegay ra’iisul wasaarihii ka horeeyay Cumar
C/rashiid.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]