Suuqa ganacsiga xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo wali xiran
Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL)- Kadib rabshado ka dhashay
khilaaf soo kala dhaxgalay ganacsatada waaweyn ee suuqa xaafadda Islii iyo
ganacsatada yar yar ee loo yaqaan’’ Waratada’’ ayaa sababay in qeybo ka mid ah
suuqa gaar ahaan ganacsiga Soomaalida albaabada leysugu dhufto.
Guddiga ganacsatada xaafada Islii ayaa sheegay in uu xiran yahay suuqa inta
laga xalinaayo khilaafka jira iyo cabashada ay mujinayaan ganacsatada yar yar
ee suuqa xaafada Islii ku ganacsata, kuwaasi oo ka cabanaya ganacsatada
waaweyn.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiin sare ay ku lug leeyihiin
khilaafka u dhaxeeya labadaasi dhinac iyo in aan wali xal laga gaarin
khilaafkooda, waxayna sheegeen in suuqa uu xirnaanayo ilaa khilaafka laga xalinaayo.
Isku dhaca ganacsatada yar yar iyo kuwa waaweyn ayaa la xiriira in ganacsatada
Waratada loo yaqaan qiimo yar ay dadka uga iibinayaan alaabaha ay hayaan, halka
kuwa waaweyn arintaasi ay ka soo horjeedaan, maadaama Suuqii uu ku xumaaday.
Ugu danbeyntii, arintaan ayaa la filayaa inay soo fara galiyaan Maamulka
xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi si xal buuxa looga gaaro dhibaatada ka
taagan isku dhaca ganacsatada Soomaalida Islii.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]