4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2017
Dowladda Sweden oo dhaqaale ku deeqday abaarta Soomaaliya

 Jimco, Maarso, 03, 2017 (HOL) - Dowladaha caalamka ayaa waxaa ay wadaan dadaalo wax looga qabanayo abaarta ka jirta Soomaaliya, taasi oo hada gaartay heerkii ugu sareysay.

Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindval ayaa sheegay dowladda Sweden in ay lacago ugu deeqday abaaraha Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka iyo duunyada ee ku dhibaateysan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Soomaaliya taageero in ay siinayeen sano badan, laakiin lixdii sano ee ugu dambeysay waxaa uu sheegay in ay kordhiyeen taageerada dhinaaca hormarada ah, isagoo sheegay Soomaaliya sanad walba in ay siiyaan 40 milyan oo Dollar 

“Xilli xaalada ay sii xumaaneysay bilooyinkii ugu dambeeyay ee sanadkii aanu soo dhaafnay, waxaana sare u qaadnay kharashaadka bani’aadannimo ee bilihii December iyo November, sanadkan waxa aan bixinay 10 milyan oo dollar, kadibna waxaan ku darnay 12 Milyan oo dollar, ayuu yiri safiirka.

Dhinaca kale Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya oo soo hadal qaaday Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay taageerada ay siiyaan Midowga Afrika in ay u sii marayaan Midowga Yurub, isagoo sheegay dhamaan mushaaraadka AMISOM in ay bixiyaan Midowga Yurub, taasina ay keentay in deeqda ay u bixiyaan si dadban.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]