Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo toban sano jirsaday
Jimco, Maarso, 03, 2017(HOL) – Bishan Mach 10 sano ayaa u buuxsantay
howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya oo soo bilaawday sanadkii 2007 oo Soomaaliya ay soo caga-dhigatay diyaaradii ugu horeysay ee siday cutub ka tirsan ciidamo
ka socday dalka Uganda.
Wixii waqtigaa ka danbeeyay waxaa ciidamo ka qeybgala howlgalka nabad
ilaalinta Soomaaliya ku soo biiriyay dowladdaha Burundi, Itoobiya, Kenya , iyo Jabuuti oo dhamaantood xiligan si wada jir ah uga qeybqaadanaya qorshaha
midowga Africa ee xasilinta Soomaaliya.
Ciidamo ka socda dalka Saria Leon oo laftirkooda qeyb ka ahaa qorshaha nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa dib u laabtay kadib markii cudurka Ebola uu ka dilaacay dalkooda iyo dalal kale oo ku yaala galbeedka Africa.
Ciidamada AMISOM oo markii hore qorshahoodu ahaa ilaalinta xarumaha dowladda
iyo deegaannada la xoreeyo ayaa markii danbe bilaabay in ay
dagaalo toos ah la gallaan Al-shabaab iyaga oo ka dhinac dagaalamaya ciidamada
xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana mar marka qaar dhacda in ay kaligood dagaal
aan lagu wehlin la galaan Al-shabaab.
Inkasoo mudadii ay ku sugnaayeen Soomaaliya ciidamadan si wada jir loogu
guuleystay in Al-shabaab laga saaro deegaano dhowr ah oo bartaha iyo koonfurta
Soomaaliya ah, hadana dhinaca kale kama baajin guulahaasi weeraro khasaare ba’an
geystay oo uga imanaya dhinaca dagaalamayaasha Al-shabaab.
Weeraradii ugu cuslaa ee lagu qaaday AMISOM ayaa ka kala dhacay deegaanno ku
yaala gobollada Sh/hoose, Gedo iyo Hiiran oo ay Al-shabaab u dhaceen xarumo ay
ku lahaayeen ciidamada midowga Africa.
Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay mar uu kulan la qaatay wakiilada wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaliya in dowladdiisu dib u
dhis xoog leh ku sameyn doonto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, taasoo soo
dadajin karta ayuu yiri in ciidamada AMISOM dhaqse dalalkooda ugu laabtaan.
Ugu danbeyntii, marka aad eegto 10 sano oo ay ciidamada AMISOM
ka howlgalayeen Soomaaliya wali waxaa yar awood ciidamada Soomaaliyeed u leeyihiin in ay hantaan amniga gudaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]