4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2017
Faafaahin: Dagaal u-dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamadda Somaliland oo ka dhacay gobolka Sool

Jimco, Marso, 03, 2017(HOL) – Dagaal xoogan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo u-dhexeeyay ciidamadda maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka, ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo kala-beyr.

Dagaalka waxaa uu sababay in dadka deegaanka kala-beyr, ay ka qaxaan deegaankoda, madaama uu dagaalka uu ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan loo adeegsaday.

Maamulka Soomaaliland ayaan wali wax war ah kasoo saarin.

Dadka deegaanka oo aan isku daynay in aan la xiriirno, nooma aysan suuragalin.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco.

Hassan Istiila
[email protected]