Ra’iisal wasaare Kheyre’’ Gollaha wasiirada aan soo dhisi doono waa kuwo ka tarjumaya rabitaanka shacabka
Jimco,
Maarso, 03, 2017(HOL) – Ra’iisal wasaaraha dhawaan
helay codka kalsoonida baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo
wareysi siinayay laanta VOA ayaa sheegay in ay soo dhisi doonaan golle wasiiro ka tartumaya sida uu hadalka u dhigay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada cusub ee
soo socta sidoo kale lagu saleyn doono rabitaanka baarlamaanka federaalka
Soomaaliya.
‘’Aniga iyo madaxweynaha waxaan balanqaadeynaa in aan soo dhisno
xukuumad awood u leh in ay ka sii anbaqaado dalka xiligan meesha uu taagan
yahay’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.
Mar
wax laga weydiiyay saameynta baarlamaanka uu ku yeelanayo golaha wasiirada
cusub ee dhawaan la filayo in la magacaabo ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in
mar walba ay jiri doonto doonto wada shaqeyn iyo
xiriir ka dhaxeynaya xukuumada iyo baarlamaanka.
‘’Wada
tashi ayaan ku jirnaa, waxa aan ka fikireyno waa in la helo dowlad ama xukuumad
u adeegi karta shacabka Soomaaliyeed, xilalka lama wada helayo oo qof walba
lama qancin karo, laakiin waxaan rajeyneynaa in dhinacyada oo dhan aan kula
shaqeyno niyad wanaag iyo wada tashi’’ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.
Mar
uu soo hadal qaaday arimaha nabad-galyada iyo sida ay u wajahayaan ayuu sheegay
ra’iisal wasaaraha in muhiimad gaar ah xukuumadiisu siin doonto nabad-galyada
guud ahaan dalka, isaga oo sheegay in amniga lagu sugi karo oo kaliya wada
shaqeyn dhaxmarta dowladda iyo shacabka.
‘’Dowladda
waxaa ay ka shaqeyn doontaa in ciidamada la xoojiiyo, xuquuqdooda la siiyo,
qalabka ay u baahanyihiinna loo helo, sidaa ayaana amniga lagu wajahayaa ayuu
yiri’’ ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.
Ugu
danbeyntii, ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan
Al-shabaab in ay isaga soo haraan kuna soo biiraan hanaanka dowladnimo ee
dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]