4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2017
Cali Dhuux ‘’ ma jiraan ciidamo booliiska degmada Beledweyne ka tirsan oo gadood sameeyay

 Jimco, Maarso, 03, 2017(HOL) – Taliyaha qeybta booliiska degmada Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan booliiska gobolka Hiiraan oo gadood ka sameeyay magaalada Beledweyne.

‘’Ciidamada booliiska aniga ayaa taliye u ah, sidaa daraadeed ma jirin ciidamo ka diiwaangashay booliiska oo gadood ka sameeyay magaalada, ciidamadii shalay aad aragteen ee cabashada muujiyay waxaa ay ahaayeen ciidamo dhawaan la tababaray oo aan wali si waafaqsan sharciga u howlgalin, arimo iyaga u gaar ah ayeey ka cabanayeen, markii aan ka war helnayna waan ku baxnay arintaas’’ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii ay jiraan ciidamo u diiwaangashan booliiska gobolka Hiiraan oo arintaa ku lug yeeshay.

‘’’Haddii aan ku helno in arintaa uu ku lug yeeshay shaqsi ka u diiwaangashay ciidamada booliiska oo danbigaa lagu helo maxkamad ayaa la horgeyn doonaa, haddii lagu waayo ciidamada booliiska in ay gadoodkaa ka qeybqaateen waxaan maxkamadeyn doonnaa cidii cadaayadaa ka fidisay ciidamada’’ayuu yiri taliyaha.

Guud ahaan marka aad eegto Soomaaliya ma’aha wax ku cusub in ciidamo ka cabanaya xuquuq la’aan xirtaa jidadka iyaga oo inta badan hakad galiya isku socodka dadka iyo gadiidka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]