4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2017
Muwaadiniin reer Somaliland oo safaaradda Imaaraadka Carabta ee London mudaharaad ka hor dhigay

 

Jimco, Maarso ,03 , 2017 (HOL) – Dad reer Somaliland ayaa shalay mudaharaad la hor tagay safaaradda Imaaraadka Carabta ku leedahay magaaladda London, waxaanay sheegay inay muujiyeen sida aanay ogolaan doonin saldhiga Militari ee magaaladda Berbera uu ka samaysanayo.

Dadkii soo abaabulay mudaharaadkan ayaa boodhadhkooda ku muujiyey sida uga soo horjeedaan saldhiga Militari ee Berbera uu ka samaysanayo wadanka Imaaraadka Carabta, waxaanay hal ku dheg ku qoreen boodhadhka sitaan,isla markaana ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan sida aanay raali uga ahayn Saldhigaasi Militari, waxaanay lahaayeen “ma doonayno saldhig militari, Somaliland uma baahna saldhiga Militari ee caawimo bani’aadanimo iyo horumar bay u baahan tahay.”

Dadweynaha iskugu yimid safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay safaaradana u gudbiyeen qoraalo ay ku muujiyaan in aanay doonayn in Somaliland noqoto goob dagaal iyo goob militari.

Gudoomiyaah xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa taageeray saldhigaasi,isla markaana sheegay in aanay Somaliland dani ugu jirin saldhig militari.

“Somaliland waxa ay u baahan tahay horumarin, waxa ay u baahan tahay xasilooni ee uma baahna saldhig iyo ciidan shisheeye toona, waxa ay u baahan tahay in ay nabad kula noolaato dalalka ay deriska la tahay. Xisbiga WADDANI na waxa uu meel cad iska taagay arrinta Saldhiga , weli na waa uu ka taagan yahay, Saldhig ma ogolin, dadku na xaq bay u lee yihiin in ay ka hadlaan oo ay ra’yigooda ka dhiibtaan saldhiga haddii ay Somaliland joogaan iyo weli ba haddii ay yihiin dadka reer Somaliland ee dibadda ku nool ba. “ayuu yidhi Cirro .

Haseyeeshee, xisbiga wadani iyo xukuumaduba waxay xisbiga Waddani ku eedeeyeen inuu xisbigaasi ka hor yimid sharciga wadanka u yaala, isla markaana go’aankii baarlamaanku meel mariyeen ee ogolaanshiyaha saldhigaasi ka hor yimaadeen, taas oo ay ku macneeyeen dastuur jabin inay tahay.

“ninka gudoomiyaha ka ah sharciga ee 12-ka sanadood gudoomiyaha ka ahaa Wakiiladda, ee lagu maamuusayo xilkaasi uu Somaliland u hayo, waxaanu leenahay qodob dastuuriya ayuu jabinayaa waa inay shacabka Somaliland ka war hayaan, oo ay tidhaahda ka noqo isaga iyo saaxiibadii (Mudahaaradadda)”ayuu yidhi Cadaani wasiirka warfaafinta Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland