4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2017
Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Hargeysa lagu aasay Fanaan Maxamed Faarax Xirsi

 

Jimco, Maarso, 03, 2017(HOL) – Alla ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Xirsi ayaa shalay aas qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu xanuun muddo hayey u geeriyooday.

Marxuum Maxamed Faarax Xirsi wuxuu ahaa shakhsi dhinacyo badan ka buuxin jiray kaalinta fanka, waxaanu iskugu jiray Abwaan, Fanaan iyo Mulaxamiist, waxaana la sheegay inuuo ahaa dadkii fanka Hargeysa ka bilaabay wuxuu caan ku ahaa heeso ay ka mid ahaayeen Uur jacayl galaa Aa, Madaayee oo uu Abwaan Boon Xirsi sameeyey, waxa kale oo uu laxanka sameeyey heeso badan oo ay ka mid tahay heeso ay qaado Sahra Axmed Jaamac.

Fanaan Maxamed Faarax Xirsi alla ha u naxariistee wuxuu lahaa heeso badan oo uu ku luuqeeyo, kuwo uu laxanka u sameyey iyo Riwaayaddo uu ka qaybgalay, waxaanu ka mid ahaa fanaaniinta dal jooga ahaa ee aan ka bixin wadanka illaa burburkii.

Sidoo kale, Fanaan Maxamed Faraax uu uu qabay fanaanadda caanka ah ee Ikraan Jaamac oo ay isku leeyihiin laba wiil iyo afar hablood.

Marxuum Maxamed Faarax Xirsi waxa aaskiisa ka qaybgallay wasiirka Xanaanadda xoolaha C/laahi Cukuse, abwaano, fanaaniin iyo dadweyne kale, kuwaas oo marxuumka ilaahay u baryey inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo.

“Fanaanka waxaan bartay dhawr iyo toddobaadkii wuxuu ka mid ahaa fanaaniintii ku soobaxday heesaha hirgalay oo uu kaalinta kowaad galay, waxa uu markii dambana noqday macalin fanaaniinta yaryar tobabaro, wuxuu ahaa nin xishood badan, edeb badan iyo akhlaaq badan oo aamusan”ayuu yidhi Cukuse oo ka hadlayey taariikhda Fanaanka.

“shaqadiisu waxay ahayd heesa iyo laxamista, waxaanu ahaa raga xaga laxanka ku xeesha dheer, nin akhlaaq badan buu ahaa oo af gaaaban”ayuu yidhi dhamaantood isku raaceen abwaanaddii iyo fanaaniintii aaska ka qaybgashay.

Ilaahay waxaan u baryeynaa inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo qaraabadiisa iyo umada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.