4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2017
Madaxweyne Farmaajo’’ ma jiri doono khilaaf u dhaxeynaya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha

 Jimco, Maarso, 03, 2017(HOL) – Iyadoo marka la eego guud ahaanba dowladihii isaga danbeeyay dalka laga soo bilaabo bur burkii dowladii dhexe ee militariga ku caan baxeen khilaaf soo kala dhaxgala madaxweynaha talada haya iyo ra’iisal wasaarihiisa ayuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdulaahi Farmaajo in arintaa oo kale dhici doonin.

Isaga oo khudbad ka hor jeedinayay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in uu balanqaadayo dhiniciisa in isaga iyo ra’iisal wasaarihiisa ku dhameysan doonaan afarta sano ee soo socda wada shaqeyn iyo in talada la wadaago.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdan rajo badan ka qabaan shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed dhinacyda oo dhan looga baahan yahay in lala yimaado howlkarnimo si looga gudbo caqabadaha ka hor iman kara socod siinta haykalka dowladnimada.

Laga soo bilaabo dowladii lagu soo dhisay Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan ilaa madaxweynihii dhawaan xilka wareejiyay Xassan Sheekh Max’uud waxaa lagu xasuustaa khilaaf iyo is qabqabsi hareeyay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa taasoo keentay in mudo afar sano ah gudahood madaxweyne walba yeesho ilaa saddex ra’iisal wasaare.

Hasse ahaatee dad badan ayaa is weydiinaya sida dowladda hada jirta uga badbaadi karto arintan oo dad badan la xiriirinayaan awoodaha labada mas’uul oo aan u kala qeexneyn sidii loo baahnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]