4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ku kulmaya Nairobi

Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka furmaya shir ay yeelanayaan masuuliyiinta ugu sareysa Soomaaliya iyo Kenya sida horey loo sii shaaciyay.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo iyo dhigiisa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan xiriirka labada dowladood.

Gaar ahaan shirka ayaa diirada lagu saari doonaa xaalada Qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab, Abaaraha Soomaaliya ka jira, Amniga, Ganacsiga iyo isu socodka Labada dal.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay ujeedka uu madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku tagay in ay tahay ka qeybgalka shirka maanta ka furmaya magaalada Nairobi, ayna rajeynayaan in guul uu ku soo dhamaado.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweynaha uu ka qeybgalo shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD ee 25ka bishan maalinta Sabtiga ka furmaya magaalada Nairobi, kaa oo diirada lagu saari doono arimo dhowr ah oo khuseeya gobolka guud ahaan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doona shir-madaxeedka urur goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta Qaxootiga.

Ugu danbeyntii, madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayeey booqasho rasmi ah shalay uga bilaabatay magaalada dalka Kenya tan iyo markii xilka loo doortay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]