Booliiska Kenya oo xeryaha Dhadhaab ka baaraya macalimiin la qafaashay
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) – –Booliska
ka Kenya ayaa howlgal lagu baadigoobayo macalimiin dhawaan la qafaashay ka
wadda xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin kumanaan qaxooti
Soomaaliyeed ah.
Madaxa Booliska gobolka W/Bari Aaron Moriasi ayaa warbaahinta u sheegay
in ay jiraan shakiyo ku aadan lahaystayaasha in lagu dhex haysto xerada Dhadhaab
gudaheeda.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in la xiray 200 qof oo arimahaasi lagu eedenayo
waxaana jira baadi goobka dadkaasi afduubka lagula kacay iyo kuwa ka danbeeyay.
Aaron Moriasi ayaa sheegay inay wadaan baaritaan si booliska si maclumaad
dheeri ah uga helaan mesha dhabta ah ee lagu haysto.
Xaaladaha afduubka ayaa ahaa mid kusoo kordhayay dhinaca waqooyi bari Kenya
oo ay Al-shabab geesanayaan.
Ugu danbeynti, bishii Febraayo ayay ahayd markii koox ka tirsan dhaq
dhaqaaqa Al-shabaab ay xoog ku galeen iskuul ku yaala xerada iyagoo u socday
afduubka haweyney macalimad ka ahayd iskuulkaasi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]