4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay sifaha uu ku soo xushay gollihiisa wasiirada

Talaado, Maarso ,21 , 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo magacaabistii gollaha wasiirada kaddib munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay sifaha iyo sharuudaha uu ku soo xushay gollaha wasiirada cusub.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in gollaha wasiirada laga eegay dhinaca da’da, aqoonta, qibrada shaqo iyo uusan wax danbi ah ka galin dalka, islamarkaana xiriir la laheyn ururada argagixisada.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaare Kheyre in wasiir kasta looga baahan yahay in uu cadeeyo ka go’naashaha in uu diyaar u yahay dowlad wanaag, isla xisaabtan, daah furnaan iyo in lala dagaalamo musuq maasuqa.

‘’Iyadoo laga soo bilaabayo madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha ilaa wasiirka waa in uu cadeeyaa mas'uul kasta hantidiisa guurtada ah iyo tan ma-guurtada ah kaddib marka loo magacaabo xilka si loo ogaado maanta xoolaha aan leenahay iyo mustaqbalka marka aan xilka ka degno’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xil maanta uu ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 27 wasiir, 26 wasiir ku-xigeen iyo 15 wasiiro-dowle taasoo guud ahaan marka leysku daro wadarta gollaha wasiirada la magacaabay ka dhigeysa 68 wasiir.

Gollahan, wasiirada ayaa la filayaa in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si ay u hellaan codka kalsoonida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]