4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2017
Qof u dhintay maandooriye uu cabay magaalada Burco ee gobolka Togdheer

 Talaado, Maarso ,21 , 2017 (HOL) – Hal qof oo u geeriyooday mid kalana waa uu dhaawacmay kadib markii ay cabeen walxo laga sameeyey maandooriyeyaal macmal ah magaaladda Burco ee gobolka Togdheer .

Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi ayaa warbahinta u xaqiijiyey inay hal qof u geeriyooday mid kalena dhaawac yahay ka dib markii ay cabeen walxo la isku daray oo laga sameeyey Khamri taas oo sababtay dhimashadda iyo dhaawaca.

“Dadkii cabi jiray khamriga markii khamrigii ay waayeen ayey isku dayeen inay qastaan ama samasytaan bahalo la isku dardaro oo ay khamri ka dhigtaan, ka dibna ay cabeen midna wuu geeriooday mid kalena wuxuu yaallaa dhakharka, ciidankuna baadhistii bay gacanta ku hayaan, ninkii lagu eedeeyey inuu waxan sameeyey gacanta ayaanu ku haynaa”ayuu yidhi Cabdi Muuse taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer.

Waxaanu intaasa ku daray “Dadka waxaan uga digayn waxa inagu soo kordhay ee dhimashadeedi ugu horeysay inay ka waantoobaan oo iska ilaaliyaan wixii aan caafimaadka wax u yeelaysa, iyadoo markii horaba xaaraan iyo caafimaad daraba ahaa”.

Dadkan ku sumoobay maandooriyeyaal macmal ama samays ah oo ay ka dhiganayeen khamri ayaa labaddii qof ee ugu horeeyey ee waxyeelo ka soo gaadho ay ka dhacday magaaladda Burco, taas oo ciidankuna sheegeen inay ku daba jiraan dadka samaynayey ee iibinaya maandooriyeyaashan samayska ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland