4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2017
Hargeysa: Laba Nin oo neef bakhtiyey doonayey inay dadka ka iibiyaan oo la qabtay


Talaado, Maarso ,21, 2017 (HOL)- Magaaladda Hargeysa ayaa lagu qabtay laba nin oo neef bakhti ah intay qaleen doonaya inay magaaladda ka iibiyaan.

Labadan nin ayaa dooxa weyn ee magaaladda Hargeysa neef Lo’ah oo bakhtiyey lagu qabtay iyagoo haragii ama saantii ka saaraya,isla markaana doonaya inay magaalada ka iibiyaan sidaasna waxa warbaahinta u xaqiijiyey agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda ee dawladda hoose ee Hargeysa KHadar Yuusuf.

“waxa dooxa weyn ee magaaladda Hargeysa ay laba nin haraga (Saanta) kaga saarayeen neef Lo’ ah oo bakhtiyey oo ay doonayeen inay dadka ka iibiyaan, waxaanay meesha haragga kaga saarayeen ahayd meel gudaafad ah markiiba waana la noo soo sheegay waana qabanay labaddii nin sharcigaana hor gaynaynaa”ayuu yidhi agaasimaha arrimaha bulshadda ee dawladda hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale maalmo ka hor duleedka koonfureed ee magaaladda Hargeysa ay ku arkeen hilib badan oo lagu daadiyey oo ay u maleeyeen inuu ahaa hilib Kalluun, ka dibna ay gubeen, haseyeeshee ay hadda baadhayaan wixii meesha banaan ku soo qubay.

Dhinaca kale, waxa ay sheegeen dawladda hoose ee Hargeysa in cuntooyin badan iyo Dawooyin badan ay bilihii u dambeeyey ka soo gureen bakhaaradda iyo tumaamadda magaaladda, kuwaas oo dhacay, waxaanay sheegeen in ololahaasi lagu baadhayo waxa dhacya uu socon doono,isla markaana aanay ka ogolaan doonin in dadka laga iibiyo cuntooyin iyo dawooyin dhacay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.