4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2017
Liiska Dadka ugu Hodan-san Dunida oo la shaaciyay iyo jeff Bezos oo Hal sano ku Faa’iiday Adduun dhan 27.6 Bilyan

https://www.hiiraan.com/images/2017/Mar/

Warren Buffet


 Talaado, Maarso, 21, 2017 (HOL) – Wargayska Forbes ayaa shaaciyay magacyada dadka  ugu qanisan aduunka sanadkan aynu ku jirno ee 2017-ka ,waxaana sanadkan  liiska dadka taajiriinta ah ku soo biiray kuwa cusub oo ka dhigaysa in 13% ay kor u kaceen dadka hodanka ah.

Liiska cusub ee la soo saaray oo ay ku jiraan in ka badan 500 oo taajir oo dunida dacaladeeda kala jooga ayaa lagu qiyaasay hantida ay haystaan marka la isku daro in ay gaarayso 7.67 Tiriliyan ,waxaana uu dhaqaalahoodu uu kor u kacay 18% marka loo eego sanadkii hore.

Mulkiilaha shirkadda Microsoft Bill Gates ayaa sanadkii afaraad oo xiriir ah ah ninka dunida ugu taajirsan ,waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa in ay dhan-tahay 86 bilyan oo dollar halka sanadkii hore uu haystay hanti dhan 75 bilyan oo dollar.

Jeff Bezos ayaa sanadkan hormar balaaran ka sameeyay dhanka hodantinimada ,waxaana hantidiisa ku soo korortay lacag dhan 27.6 bilyan dollar ,waxaana si guud uu u haystaa dhaqaale dhan 72.8 Bilyan oo ka dhigaysa ninka sedexaad ee dunida ugu qanisan.

Warren Buffet ayaa wali ah kan labaad ee dunida ugu taajirsan ,waxaana uu faa’idooyinkii ugu badnaa sameeyay tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ,isaga oo lacag dhan 14.8 Bilyan kor ugu kacay mudo 12 bilood gudaheed ah.

Mulkiilaha shabakadda Facebook ayaa isna markii ugu horeysay so galay kaalinta shanaad ee kala horaynta dadka dunida ugu taajirsan ka dib markii uu muddo sanad ah uu ku faa’iday lacag dhan 11.4 bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Hoos ka Eeg magacyada lixda Qof ee Dunida ugu taajirsan.

https://www.hiiraan.com/images/2017/Mar/

Faysal M. Hassan
[email protected]