4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2017
Isu soo bax roobdoon ah oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo [Sawirro]


Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Boqollaal dadweeyne ah ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Isbartiimo Feekiyo halkaa oo ay ku oogayeen salaad Roobdon ah oo Alle looga baryayay in uu abaaraha ka dulqaado shacabka Soomaaliyeed.

Isu soo baxan roobdoonka ah oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen wasaaradda cadaaladda iyo arimaha diinta dowlad goboleedka Jubaland iyo culumaa’udiinka Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka tirsan Jubaland oo uu ugu horeeyo madaxweeyne ku xigeenka 2-aad Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere.

Qaar kamid ah culumaa’udiinka Kismaayo oo khudbado ka jeediyay isu soo baxa roobdoonka ah ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay Alle u noqdaan islamarkaana danbi dhaaf weeydiistaan.

Sidoo kale, Culumaa’udiinka ayaa duco halkaasi ka aqriyay, ayagoo Alle ka baryay in uu roob u keeno  shacabka u le’anaya oonka iyo gaajada ee gobollada Soomaaliya.

Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya ayaa galay heerkoodii ugu adkaa, ayadoo dadka xoolaleeyda ay bilaabeen in ay u barakacaan magaalooyinka, kadib markii intooda badan ay ku xoolo beeleen abaaraha.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.