4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2017
Waa maxay shaqada ugu horeysa ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Cusub ?

 

Talaado, Maarso, 21, 2017 (HOL)-- Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ku dhawaaqay Golaha  Wasiiradda Xukuumadda Cusub, oo ka kooban 25 wasiir iyo hal Ra'iisal Wasaare.

Sidoo kale, Wasiiradda cusub, waxaa ka mid noqday xubno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo la saadaalinayay in aysan boos ka heli doonin Golaha wasiiradda ee cusub.

Shaqadda ugu horeysa ee Golaha Wasiiradda Cusub:

1-      Wax  ka qabashadda iyo u-gurmashadda dadka abaarta ay saameysay.

2-      Dib-u-geegista Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, ee sanadkii hore lagu celiyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Fargeetti.

3-      Dib-u-eegida xaaladdaha amniga dalka, iyo wanaajinta xiriirka maamul Gobolleedyadda dalka.

4-      Ballan qaadida in ciidamada Soomaaliya iyo shaqaalaha dawlada mushaaraatkooda ay bixiyaan.

5-      Dowladd aan xiriir la lahayn shacbigeeda, waxay lamid tahay caruur aanan xiriir la lahayn waaridkood, in ay sameeyaan  Xafiiska Xiriirka Dadweynaha.

Arrinta ugu muhiimsan ee Golaha wasiirada iyo xafiiska xiriirka dadweynaha ayaa ah in ay ficil ubellaan dareenka xaqiiqiga ah ee maanta ka dhex jira ummada Soomaaliyeed,  oo ah in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo ka timaada shacabka taasoo lagu bixiyo danaha Qaranka gaar ahaan taageeridda dadka ay abaaruhu aafeeyeen, bixinta mushaarka ciidanka iyo sidoo kale maareynta waxyaabaha aasaasiga u ah jiritaanka dowladnimada Soomaliya. Waxaa  sidaasi sheegay Cabdiqafar A shire oo dhawaan wax ka qoray sheeko uu ciwaan uga dhigay Maxaa la gudboon100-ka maalmood ee ugu horeysa Madaxweyne Farmaajo?.

 1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen

2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda

4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka

6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga

7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha

8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada

9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka

10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga

12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud

13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka

14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka

15- C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka

16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha

17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta


Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia