4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2017
Mareykanka oo mamnuucay in diyaaradaha lala raaco Aaladaha qaar ee Batariga ku shaqeeya

Talaado, Maarso, 21, 2017 (HOL) - Mareykanka ayaa qorsheynaya in qalabka korontada ku shaqeeya ee sida Computer’s Laptop –yada iyo Tablets-ka laga mamnuuco in lala raaco diyaaradaha uga imaanaya wadammada Bariga Dhexe iyo woqooyiga Afrika.

Xog laga hellay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadaasi ay saameyn ku yeelan doonto sagaal ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ku taga toban garoon oo ku yaalla dalkaasi.

Ka hor muddo haatan laga joogo sanad ka badan ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta waxaa dhibaato gaarsiiyay qarax waxyar uun kaddib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho. 

Baarayasha ayaa waxa ay sheegeen in qof ka tirsanaa rakaabka oo diyaaradda soo dhacay uu sitay bam lagu soo rakibay laabtoob.

Duuliyihii diyaaraddaasi ayeey u suurtagashay in uu diyaaradda soo dejiyo, waxaa uuna sheegay in qofkii bamka sitay oo kaliya uu ku dhintay qaraxaasi. 

Xaalad noocaasi oo kale ah ayeey u dhowdahay in mukhaabaraadka Mareykanka ay hadda ka cabsi qabaan.

Waxaa ayna ku amreen diyaaradaha duulimaadyada tooska u taga Mareykanka ee ka yimaada siddeed dal in aysan ogolaan in diyaaradaha lala soo fuulo qalabka korontada ku shaqeeya sida laabtoobyada, tablkets-ka, kaamerooyinka, qalabka DVD-ga iyo kuwa lagu ciyaaro. 

Dadka rakaabka ah ayaa wali loo ogolaanayaa in ay diyaaradda la raacaan taleefoonadooda.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa sida la sheegayo waxa ay heystaan muddo afar maalmood ah in ay amarkaasi ku dhaqan geliyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]