4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2017
Faah faahin ku saabsan weerar xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Talaado, Maarso, 21, 2017 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar culus ku qaaday xarunta wasaarada gaashaandhiga ee ku taala jidka warshadaha degmada Deynille ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ku sugan agagaarka halka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas culus oo ay is weydaarsadeen kooxihii dableyda ee weerarka soo qaaday iyo ciidamadii ku sugnaa xarunta oo siweyn isaga caabiyay.

Guddoomiyaha degmada Deyniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in dabley ka kooban ilaa lix ruux weerar ku qaadeen xarunta, laakiin iska caabin kala kulmeen ciidamadii ku sugnaa halkaa.

‘’Rag weerar nacsnimo ah soo qaaday ayaa waxaa ay sameeyeen wasaarada gaashaadhiga dhabarkeeda ayeey xabado ka soo rideen, laakiin waxaa u jawaabay ciidamadii goobta ku sugnaa, waana ay baxsadeen markii danbe’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarkaasi wax khasaaro ah ka dhalan, madaama kooxaha weerarka soo qaaday aysan u suurtagalin ayuu yiri ujeedadii ay u socdeen.

Weerarka ayaa imanaya xili dhawaan sidan oo kale kooxo hubeysan weerar ku qaadeen barkootarool oo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaa oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]