4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2017
Soomaaliya oo ka mid noqotay shanta dal ee qaarada Africa ugu horeeya dhinaca farxada

Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Warbixin ay Qaramada Midoobay maalgelisay ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay shanta waddan Afrika dadka ku nooli ay ugu farxad badanyihiin qaaradda.

Waxaa sidoo kale shantaasi dal ka mid ah Algeria, Mauritius, Libya iyo Morocco, oo loo aqoosaday in ay ka mid yihiin dalalka dadkooda ay dhinaca farxada ugu horeeyaan.

Baarayaasha diyaariyay warbixintan ayaa waxaa ay darseen 155 dal, waxayna sheegeen in dadka ugu liita dhinaca farxada qaaradda Afrika in ay ku nool yihiin dalka Jamhuuriyada Afrika dhexe, waxaa ku xiga Burundi, iyo Tanzania.

Waddamada kale liiska meesha hoose ka gallay waxa ka mid ah Rwanda, Togo, Guinea, Liberia iyo South Sudan.

Warbixinta ayaa waxa lagu saleeyay su'aalo dad ka badan 1000 qof la waydiiyey inta u dhaxeysay 2014- ilaa iyo 2016-kii.

Waxaa tusaale loo soo qaatay jaranjaro ka kooban 10 talaabo, oo kadib dadka la waydiiyey halka ay la tahay in ay ka joogaan jaranjaradaas marka la eego dhinaca faraxa iyo nolosha ay kunool yihiin.

Qeybta warbixintaasi ee ka hadlaysa Afrika ayaa waxa lagu sheegay in laba waddan oo kaliya qaarada Afrika ay sameeyeen horumar dhinaca faraxa 10-kii sanno ee la soo dhaafay, wadamadaas oo kala ah, Serra Leon iyo Cameroon

Ugu danbeyntii, warbixinta ayaa waxa ka soo muuqanaya sawir ah in dadka Afrika ku nool badankood yihiin kuwa muujinaya rajo wanaagsan inkastoo aanay ku faraxsanayn waxqabadka xukuumadahooda. Waxay sidoo kale muujinayaan bay tiri warbixintu dhulqaad iyo adkaysi aad u xooggan

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]