4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2017
Taliyihii hore ee Booliska Greenville oo ka soo jeeda Somalia oo lagu xiray Garoonka diyaaradaha ee John F. Kennedy

https://www.hiiraan.com/images/2017/Mar/

Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) -- Ku xigeenkii hore ee booliiska Alexanderia Xasan Aadan  ayaa sheegay in lagu xiray garoonka diyaaradaha ee John F. Kennedy muddo 90 daqiiqo ah sababo la xiriira in magaciisa laga shakiyay.

Xasan oo 52 sano jir ah ayaa muddo 26 sano ah la qaatay booliska Alexandria, ka hor intii aan saandkii 2012-ka loo dalacsiin in uu noqdo madaxa booliska magaalada Greenville oo uu muddo ka shaqaynayay.

Waxa uu sheegay in xiligii la xiray ay ahayd 13-kii bishan aynu ku jirno ee Maarso ,xilli uu ka soo laabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ,halkaasi oo uu u tagay in uu ka qayb-galo dhalashada hooyadiis oo 80- sano jirsatay.

Markii uu yimid JFK waxa uu filayay in dib loogu soo gacan galiyo baasaboorkiisa lana soo dhaweeyo si lamid ah dad kale , balse askari ka tirsan laanta ilaalada xuduudaha ayaa weydiiyay in kaligii uu safrayay iyo in kale ,taasi oo markii danbe sababtay in muddo lagu hayo gudaha garoonka.

Waxa uu sheegay in loo soo kaxeeyay xarun boolisku isticmaalaan oo garoonka ku dhex-taala ,iyada oo laga hor- istaagay in uu isticmaalo taleefankiisa gacanta ,lana siiyay macluumaad aan dhamaystirnayn oo ku saabsan sababaha loo hakiyay.

Qolka uu ku jiray waxaa yaalay seddex kompuyuutar iyo kuraas dhowr ah oo ay sii dheer-tahay qoraalo darbiga ku dhagasanaa ,waxaana gabi ahaan-ba adkayd in la adeegsado taleefanka ,iyada oo aan loo cadayn in uu xiran-yahay iyo in kale.

Aadan ayaa u sheegay mid kamid ah askartii goobta joogtay in uu soo ahaa taliye boolis oo hore,taasina waxba kama badalin go’aankii lagu xayiray Xassan oo macluumaadkiisa ay is-dhaafsadeen dhowr laamood oo ka tirsan kuwa amniga.

Haweeneey u hadashay waaxda xuduudaha ayaa sheegtay in aysan faah-faahin karin arinta xanibaad-da Aadan ,sababo la xiriira in la ilaalinayo xeerarka dowladda , isla markaana sheegtay in musaafariinta soo galaya dalka ay dhamaantood wajahaan baaritaan-no dheeri ah.

Xasan Aadan waxaa iska dhalay aabe Somali ah iyo hooyo talyaani ah ,waxaana uu dhaliilay siyaasad-da cusub ee madaxweyne Trump , xilli lix wadan oo ay Somalia ku jirto lagu soo rogay xanibaad dhanka safarka ah.

Ugu danbayn,  Xasan ayaa sheegay in uu taageersan-yahay shaqada ay hayaan laamaha xuduudaha iyo socdaalka , balse waxa uu sheegay in 90 daqiiqo ay ahayd xarig aan sharaxaad loo hayn ,iyadoo waliba uusan meesha oolin wax danbi ah.

Faysal M. Hassan
[email protected]