4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Dad gaaraya 30 ruux oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday deegaanno hoostaga Jubbaland

 Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha islamarkaana ah guddoomiyaha gudiga abaaraha dowlad gobolleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xassan ayaa warbaahinta u sheegay in dad gaaraya 30 ruux u geeriyoodeen abaarta iyo macaluusha.

Deegaannada laga sheegayo abaaraha daran oo ay dadka ugu geeriyoodeen macluusha ayaa waxaa ka mid ah Salagle, Saakow, Bu’aale Garbahaarey iyo deegaano kale oo ka wada tirsan Jubbaland.

Guddoomiyaha gudiga abaaraha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa intaa ku darray in dadkan u baahan yihiin sida uu hadalka u dhigay gurmad deg deg ah oo lala gaaro, madaama ay saameyn adag ku yeellatay abaarta ku dhufatay qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ka mid ah meellaha ugu sii daran marka la eego Koonfurta Soomaaliya oo abaartu saameynta ku yeelatay, gaar ahaan biyo la’aanta oo siweyn u saameysay dadka ku dhaqan deegaannadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]