4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Ahlu Sunna oo xabsiga dhigtay dhalinyaro looga shakisan yahay Al-shabaab

Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa xir xiray dhalinyaro looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab, kadib howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud.

Howlgalkan oo laga sameeyay inta badan xaafaddaha degmada Dhuusa-mareeb ayaa lagu soo qab qabtay boqolaal dhalinyarro ah , hasse ahaatee maamulka ayaa sheegay in dhalinyaradan la kala saari doono qofkii  lagu waayo danbi'na la sii deyn doono.

Howlgalka ayaa ka danbeeyay kadib markii maalintii shalay ciidamada maamulka Ahlu Sunna gacanta ku dhigeen saddex ruux oo la socday gaari nooca Kaaribka ah oo marayay deegaanka Mareer-Gur oo la sheegay in ay la shaqeeyaan ururka Al-shabaab.

Sidoo kale maamulka Galmudug ayaa dhinacooda gacanta ku dhigay gaari Caasi oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo ragii la socday oo ay u soo bandhigeen warbaahinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]