4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2017
Madaxweynaha dowladda Ghana ayaa magacaabay 110 Wasiir



Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Madaxweynaha dalka Ghana Nana Akufo-Addo, ayaa magacaabay tirada golihii wasiirada ugu balaarnaa qaarada Africa oo gaaraya  110 wasiir.

Madaxweynaha ayaa magacaabay 56 wasiir, 50 wasiir ku-xigeen iyo 4 wasiir madaxtooyo oo isku geynta tirada gollaha wasiirada dalkaas ka dhigeysa 110 wasiir, waana xukuumadii ugu ballaarneyd marka la eego guud ahaanba qaarada Africa.

Marka la eego guud ahaan tirada dadka ku dhaqan dalka Ghana waxaana lagu sheegayaa in ay gaarayaan 27 milyan, inta badan gollaha wasiiradan waxaa uu madaxweynaha ka soo dhax xulay baarlamaanka.

Madaxweynaha Jaamacadda Central University College, Professor Kwesi Yankah, ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada ee madaxtooyada.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa difaacay magacaabistiisa, isaga oo sheegay in tirada gollaha wasiirada muhiim u yihiin dowladiisa.


Mogadishu, Somalia