4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2017
Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay rag dhac ka geysanayay degmadda Yaaqshiid

 

Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Ciidamadda ammaanka dowladda Soomaaliya, ayaa gacanka ku soo dhigay dhalinyaro dhac u-geysanayay dadka ku nool  degmadda Yaaqshid ee magaaladda Muqdishu.

 “Waxaan aragnay iyagoo dhac u-geysanaya dadka degmadda ku nool, waxaan dilnay mid ka mid ah kooxdii burcada aheyd, mid ka mid ahna waan dhaawacnay, halka qaar kalana aan gacanta ku dhignay” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidamadda  amniga Degmadda Yaaqshiid.

Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, waxaa howlgallo joogta ah ka sameeya, ciidamadda Nabadsugida iyo Booliiska.

Magaaladda Muqdishu, waxaa maalmihii lasoo dhaafay, kusoo noq-noqday dilalka iyo bambooyinka lagu weeraro xaruumaha dowladda iyo guryaha dadka siyaasiyiinta ay deganyihiin.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia