Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Ciidamadda ammaanka dowladda Soomaaliya, ayaa gacanka ku soo dhigay dhalinyaro dhac u-geysanayay dadka ku nool degmadda Yaaqshid ee magaaladda Muqdishu.
“Waxaan aragnay iyagoo dhac u-geysanaya dadka degmadda ku nool, waxaan dilnay mid ka mid ah kooxdii burcada aheyd, mid ka mid ahna waan dhaawacnay, halka qaar kalana aan gacanta ku dhignay” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidamadda amniga Degmadda Yaaqshiid.
Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, waxaa howlgallo joogta ah ka sameeya, ciidamadda Nabadsugida iyo Booliiska.
Magaaladda Muqdishu, waxaa maalmihii lasoo dhaafay, kusoo noq-noqday dilalka iyo bambooyinka lagu weeraro xaruumaha dowladda iyo guryaha dadka siyaasiyiinta ay deganyihiin.