Haweeney ayaa lagu dilay Muqdishu, bambo gacmeedna waxaa lagu tuuray saldhig ciidan
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Kaaraan, ee Gobolka Banaadir ku dilay qof dumar ah, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Dableeydii falka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday.
Sidoo kale, xalay bam-gacmeed ayaa lagu weeraray xaruunta degmadda Kaaraan.
Lama sheegin khasaaraha ka dhashay bam-gacmeedka.
Ciidamadda dowladda Soomaaliya, ayaa howlgallo dad lagu qab-qabtay xalay ka sameeyay degmada.
Kaaraan, waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ugu ammniga fiican magaaladda muqdishu.
Magaaladda Muqdishu, waxaa maalmihii lasoo dhaafay, kusoo noq-noqday dilalka iyo bambooyinka lagu weeraro xaruumaha dowladda iyo guryaha dadka siyaasiyiinta ay deganyihiin.
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia