4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2017
Sacuudiga oo dalbanaya in la baaro dhacdadii lagu laayay qaxootiga Soomaaliyeed

 Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) -- Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa Qaramada Midoobey ka dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhacdadii lagu dilay dadka Soomaaliyeed ee marayay xeebaha dalka Yemen.

War qoraal ah oo kasoo baxay isbaheysiga ayaa lagu sheegay in dilka dadkaasi ay tahay wax laga xumaado ,islamarkaana eedeynta ugu badan loo soo jeediyay Isbaheysiga Sacuudiga ayna QM ka dalbadanayaan in ay baarayaal u dirto goobta ay wax ka dhaceyn.

“Waxaan ka warqabnaa in weerarkaasi ay fulisay diyaarad helicopter ah, islamarkaana eedeyn loo soo jeediyay Isbaheysiga marka waxaana QM ka codsaneynaa in ay baarto” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Isbaheysiga.

Marka la eego guud ahaan warbaahinta caalamka oo dhacadan si gaar ah uga hadashay waxaa ay ku eedeynayaan in ay ka danbeeyeen isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa oo ka mid ah Isbaheysiga uu sacuudiga hogaamiyo ayaa si deg deg uga dalbaday dowladdaha Yemen iyo sidoo kale Sacuudiga in ay ka bixiyaan jawaab xasuuqii loo geystay Qaxootiga Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]