Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay [Sawirro]
Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen
ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ra’iisal wasaaraha
xilka ka degay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa
xubnaha golaha wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole
wasiiro oo cusub.
Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u
mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay
dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale,
kula taliyay Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in
loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad
goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli
doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.
Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha cusub
mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay ra’iisal wasaare
Cumar iyo golihiisa wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo
habsamida maanta ee xil wareejinta.
“Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah
walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo
iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa
adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo
xusay in uu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi
doonaan golaha wasiirada.
Dhanka kale, ra’iisal wasaaraha ayaa
si gaar ah uga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxa uuna ugu baaqay
qof kasta oo Soomaali ah inuu gacan ka geysto samatabixinta dadkaasi abaaruhu
aafeeyeen, isaga oo carabka ku adkeeyey inuu muhiimada koowaad ay u tahay
kaalmeynta dadkaasi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]