4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2017
Dowlada Kenya oo xirtay sadex dhalinyaro ah oo ku eedeysan kufsi

Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) – Booliiska dalka Kenya ayaa lagu waramayaa in ay xabsiga u taxaabeen saddex dhalinyaro Soomaali ah oo ku eedeysan in ay kufsi ka geysteen magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Dhalinyarada ay xireen booliska Kenya ayaa ku jira xabsi ku yaalla bartamaha Magaalada Mombasa.

Saraakiisha dowaldda Kenya ayaa dhalinyaradan ku eedeeyay in ay kufsadeen Gabar 14 sano jir ah, taasi oo markii ay kufsadeen kadib ka soo tuuray dabaq ka kooban labo biyaano.

Booliiska ayaa dhalinyaradan mudo dheer daba joogay tan iyo markii ay falkan ku kaceen,, hasse ahaatee ugu danbeyntii laamaha amniga ayaa gacanta ku dhigay.

Gabadha falka kufsiga ah iyo tacadiga kale lagu kala kacay oo aysan Boolisku sheegin halka ay ka soo jeedo ayaa sidoo kale aabaheeda waxaa dhaawac u geystay dhalinyaradan Soomaalida ah, xilli uu ku hungoobay in Gabadhisa uu raggan ka badbaadiyo.

Ugu dambeyntii booliska Kenya ayaa waxa ay sheegeen raggan Soomaalida ah in Maxkamad la soo taagi doono 14-ka bishan, si xukun loogu rido, sidoo kalena ciqaabtiisa loo marsiiyo dambigii ay galeen

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]