Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa qarax miino lagula eegtay deegaan hoos tagay degmadda Mahadaay ee gobolka Shabellada Hoose.
Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in mid ka mid ah gawaarida ciidanka dowladda uu bur-bur xoogan kasoo gaaray qaraxa.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qarax, balse inta badan weerarada noocaan oo kale ah ayaa waxaa geysta Al Shababaab.
Maamulka degmadda Mahaday oo aan la xiriirnay ayeysan noo suuragalin in aan helno.
Hassan Istiila
[email protected]