4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2017
Ciidamo gadoodsan oo xayiray isku socodka qeybo ka mid ah xaafaddaha Beledweyne

 Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Hiiraan xayireen qeybo ka mid ah isku socodka dadka iyo gadiidka xaafaddaha Beledweyne.

Ciidamadan oo gaar ahaan ka tirsan kuwa booliiska ayaa xaray Buundada kala qeybisa xaafadaha Xaawo –Taako iyo Kooshin oo inta badan ay isticmaalaan dadka iyo gadiidka.

Ciidamada ayaa ka cabanaya mishaar la’aan mudo dheer soo wajahday, madaama horay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan u balanqaaday ciidamada in bil walba ay heli doonaan mishaarkooda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa wali ka hadal gadoodka ay sameeyeen ciidamada oo saameyn ku yeeshay isku socodka qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]