4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2017
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Paris kula kulmay dhigiisa dalka Faransiiska

 Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho ku tagay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaasoo uu kula kulmay

Madaxweynaha Faransiiska ayaa aqalka madaxtooyada ku soo dhoweeyay madaxweyne Geelle oo ay wehliyeen wafdi Wasiiro ah.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay wadaan labada dal iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.

Waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya iyo is bedelka Siyaasadeed ee ka dhacay, waxaana Faransiiska uu muujiyay in si dhow ah isha ugu haayo xaalada Soomaaliya.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa soo hadal qaaday doorka Jabuuti ka qaadaneyso nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Waxaa uu balan qaaday inay joogteyn doonaan taageerada ay siinayaan Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada tababarada ciidamada Jabuuti iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ugu danbeyntii, Faransiiska oo horay u gumeystay Jabuuti ayaa saldhig milateri ku leh dalkaas, waxaana uu yahay dal saameyn weyn ku leh siyaasada Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]