Guddi baaritaan ku sameynaya eedeyntii Ruushka ee doorashada Mareykanka
Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Arinta ku saabsan in dowlada Ruuskha kaalin weyn ku laheyd guushii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa noqotay su'aal aan ka dhamaan dalka Mareykanka gaar ahaan madaxweynaha cusub.
Guddiga aqalka barlamaanka ee u
qaabilsan sirdoonka oo in muddo ahba baarayey arrintaasi ayaa haatan waxa uu
sheegay in uu baaritaanadiisa balaarin doono oo uu eegi doono falalkii iyo
dhaqdhaqaaqii Ruushka intii ay socotay doorasahada, waxaa uu intaasi ku daray
guddiga in uu eegi doono dhinac walba oo suurtagal ah si uu u sal gaaro
xaqiiqda.
Waaxda sirdoonka ee FBI iyo guddiga
u qaabilsan sir doonka aqalka senate ayaa waday baaritaano arrintan ku saabsan.
CIA-da iyo laamaha kale ee sirdoonka
ayaa horay u sheegay in dowladda Putin ay dadaal u gashay sidii uu ku guulaysan
lahaa madaxweyne Trump iyo ay ceeb u yeelaan masharixii la tartamaysay ee
haweenaydii Hilary Clinton.
Balse su'aasha ugu muhiimsan ee ay
tahay in laga jawaabo ayaa ah, ilaa xad intee buu ololaha Trump ka war
hayey waxa uu sameynayey madaxweynaha Ruushka iyo dowladiisa?
Madaxweyne Trump iyo kooxdiisuba waa
ay beeneeyeen in wax xiriir ah ay la sameeyeen Ruushka ama ay ka war hayaanba
in uu jiray xiriir noocaas ah intii uu socday ololaha doorashada.
Bishii la soo dhaafay la taliyihii
dhinaca amaanka qaranka ee Trump, Machael Flynn ayaa shaqadii laga ceyriyey
kadib markii la sheegay in uu been u sheegay caqalka cad, xiriir isaga la
sameeyey safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka u jooga kuna saabsanayd
cunaqabateenadii lagu soo ragay Moscow .
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]