4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2017
Xarun lagu dhaqan celin doono dagaalyahannada kasoo baxa Shabaab oo laga daahfuray Kismaayo


Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Xaruntan oo masuuliyiinta Jubaland ay sheegeen in ay tahay xarun ay ugu talo galeen in dhaqan celin loogu sameeyo dagaalyahannada kasoo baxa Al-shabaab ayaa waxaa dhismaheeda gacan ka geeysatay dowladda Jarmalka.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Max'uud Sayid Aadan ayaa xariga ka jaray xarunta, isagoo kormeeray dhammaan qeybaha ay ka koobantahay.

Madaxweeyne ku xigeenka oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland oo ay kamid yihiin Wasiirka amniga Jubaland Mudane C/rashiid Max'ed Janan, Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Shukri Weeyrax Kaariye, madax ka socotay dowladda Jarmalka, xubno matalayay UNSOM iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabaddi xarig jarka.

Ku xigeenka safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Markus Bollmohr oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha xaruntan uu dowlad goboleedka Jubaland ka caawin doono sidii ay ugu dhaqan celin lahaayeen maleeyshiyaadka kasoo goosta Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Jubaland Mudane C/rashiid Max'ed Janan ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka qaadan doonto amniga, isagoo sheegay in ka dowlad ahaan ay xaruntan uga faa'iideeysan doonaan sidii ay ugu xareyn lahaayeen dhalinta ka tirsan Al-shabaab ee isaga soo baxa.

"Dhalinyarada la qalday ee Al-shabaab ayay xaruntan wax badan ka tari doontaa in afkaarta qaldan ee laga dhaadhiciyay looga masaxo, lana fahansiiyo tubta toosan iyo dowladnimada," ayuu wasiiirku hadalkiisii raaciyay.

Ugu danbeyn waxaa munaasibadda soo xiray madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Ma'xuud Sayid Aadan, isagoo u mahadceliyay dowladda Jarmalka oo gacan a siisay dhismaha xaruntan, waxa uuna xusay in xaruntan ay sida ugu dhaqsaha badan u howlgelin doonaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.