4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2017
Hay’adda IOM oo ka digtay macaluul soo waji karta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, K/Suudaan, W/bari Nayjeeriya iyo Yemen ayaa la sheegay in ay cunno yari baahsan ku haystaan dalalkooda.

Dhibaatooyinka Soomaaliya ayaa inta badan la sheegay in ay ka timid abaaraha dalka jira iyo colaadaha, oo ah kuwa mudo dheer soo jiitamaya.

“Haddii aysan helin gargaar ku filin dadkaasi ayaa waxaa laga yaabaa in macluusha ay ku faafto waddanka, halka dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah goorta ay abaarta ugu xun tahay, iyadoo tirada ay cunna yaraanta haysataana ay ku dhow yihiin shan milyan oo qof”

Hay’adda muhaajiriinta caalamka ee IMO ayaa sheegtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ka sii dareyso iyadoo dadka ay deegaanadooda kasoo barakacayaan kuwaasoo raadinaya cunto.

Ugu danbeyntii dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shir caalami ah oo looga hadlay xaalada abaarta ka jrta dalka Soomaaliya, waxaana shirkaa guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaaj oo ugu baaqay deg deg loo kaalmeeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]