4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo dalbaday in 45 cisho dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, kadib kulamo is daba joog ah uu la yeeshay hogaanka maamulka, xildhibaannada labada aqal iyo qeybo ka mid ah bulshada ka soo jeeda deegaannada Galmudug.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kulamadiisa kadib soo saaray shan qodob oo la xiriira arrimaha doorashada Galmudug iyo sida lagama maarmaanka u tahay in dib loogu dhigo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyay qodobadan hoos ku xusan:-

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

Ugu danbeyntii, tan iyo markii Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed is casilay bishii la soo dhaafay, waxaa olole loogu jiray xilkaas, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay ku dhawaaqeen inay u taagan yihiin xilkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]