Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ku caawisay $1 billion tan iyo sanadkii 2011
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay ka
dhawaajisay cadadka lacagta ay ku caawisay tan sanadkii 2011, xiligaa oo abaar ba’an ay
ku dhufatay Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Mehmet Simek ayaa
sheegay in dowladda Turkiga Somaaliya ku caawisay hal Bilyan oo doolar oo qeyb ka ah sida uu hadalka u dhigay
istiraatijyada Turkiga ee Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa hadalka ka hor sheegay
shirka wasiirada maaliyada iyo guddoomiyayaasha Bankiga dhexe ee 20ka
dowladdood ee ku jiray G20 ayuu hadalka ka hor sheegay Mr Mehmet Simek.
Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya bil
kasta siyaan malaayiin doolar oo loogu talagalay in wax looga qabtay
barnaamijyada hormarinta iyo amniga.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in ujeedada ugu
weyn ee arimaha oo dhan laga leeyahay tahay in xoogga la saaro sidii loo caawin
lahaa dowladdaha Africa ee kaalmada u baahan, waxaana uu intaa ku darray in 100 ka sano ee soo socta noqon doonaan
sanadihii Africa.
Dowladda Turkiga ayaa marka la eego siweyn ugu soo gurmatay
Soomaaliya sanadkii 2011 waqtigaa oo ay dalka ku dhuftay abaar ba’an oo saameyn
adag ku yeelatay nolasha dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]