4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Madaxweyne Famaajo oo todobaadkan booqashadiisii ugu horeysay ku tagi doona Kenya

 Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maalinta Khamiista ah todobadkan booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii xafiiska loo doortay uu ku tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Manoah Esipisu Afhayeenka madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in booqashadan noqon doonto mid qeyb ka ah xoojinta xiriirka iyo saaxiibtimada labada dal, waxaana la filayaa in labada madaxweyne ka wada hadlaan arimo la xiriira siyaasada iyo amniga.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa la filayaa in ay martigaliso maalinta Sabtida todobaadka danbe shirka urur gobolleedka IGAD oo looga hadli doono arimaha qaxootiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba amniga gobolka.

Madaxweyaha Kenya ayaa maalintii shalay booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, lamana oga in booqashada madaxweynaha Kenya ka sii war qabtay dowladda Soomaaliya iyo in kale inkastoo Jubbaland ay beenisay in Uhuru Kenyatta tagay halkaa.

Ugu danbeyntii dowladda Kenya ayaa difaac uga jirta Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya oo marar badan oo hore weeraro dad badan ay ku dhinteen ku qaaday deegaannada dhaca xadka labada dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]