4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Warbixin : Dad abaarta ka soo barakacay oo ku qul qulaya magaalooyinka waaweyn ee dalka

 Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Waxaa marba marka ka danbeeya si adkaaneysa xaalada abaarta ka jirta qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, taasoo keentay in kumannaan dad ah oo ay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen isaga soo hayaamaan deegaannada miyiga ah oo abaartu  saameyn gaar ah ku yeelatay.

Kumannaan qoysas barakacayaal ah oo horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo biiray barakacayaal kale oo hore leh kuwaa oo isaga soo cararay nolal xumada ka jirta deegaannadii ay ku noolaayeen.

Sidoo kale magaalada Baydhabo waxaa gaaray barakacayaal ka taggay degaanno ku yaala gobolada Bay iyo Shabeelaha hoose, kuwaasoo muddo 15 maalmood ah waddada ku soo jiray si ay u gaaraan meel ay ka heli karaan gargaar cuno ah.

Magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah deegaannada ay soo miciin bideen dad ka soo hayaamay qeybo ka mid ah gobollada dhexe, sidoo kale degmooyinka, Kismaayo, Dhuusa-mareeb, Caabud-waaq iyo Gaalkacyo ayaa laga soo sheegayaa in ay gaareen qoysas abaarta ka soo barakacay.

Dadkan oo u badan haween, carruur iyo dadwaayeel ah ayaan ilaa iyo hadda helin gurmad micno leh oo wax looga qabanayo nolasha adag oo ay wajahayaan marka laga reebo is xilqaan ay sameynayaan dadka ku dhaqan deegaannada ay maciinbideen.

Inkastoo gudaha iyo dibada laga wado gurmad iyo dadaal la doonayo in dadkan lagu caawiyo ayaa haddana dhinaca kale marka la eego wali waxaa jira daruufo adag oo dhinaca nolasha ah oo ay wajahayaan.

Waayo araga muddada dheer u soo joogay abaarihii isaga danbeeyay dalka ayaa sheegay in tani uga duwan tahay  in meelaha qaar laga soo warinayo dad nolasha is dhaafiyay  [is dilay] kaddib markii ay nolasha ka quusteen.

Sidoo kale waxaa jira cudurro abaarta la xirira oo ay dadka u dhimanayaan sida shuban biyoodka iyo macaluusha ka dhalatay nafaqa-darrada, taasoo keentay in dowladda federaalka ku dhawaqdo ‘’ Masiibo Qaran’’

Waxaa abuurmay guddiyo kala duwan oo ka shaqeynaya gurmadka abaaraha kuwaa oo qaarkood dowladda federaalka arintan u saartay iyo kuwa iskood isku xilqaamay oo isugu jiray culima’udiin iyo dad bulshada magac ku dhax leh oo dhamaatood u taagan ilaa xad siddii qoysaska dhibaateysan loo gaarsiin lahaa gargaar micno leh oo nolashooda wax ka taraya.

Guddiga gurmadka Qaran ee abaaraha ayaa bilaabay meelaha qaar in maamul gobolleedyada ku wareejiyaan dhaqaale loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaartu saameysay.

Ugu danbeyntii, dadka sida weyn u odorasa cilmilada ayaa qaba in bilaha soo socda la filan karo roobab lagu diirsado, waxaana todobaadyadii ugu danbeeyay ka jiray qeybo ka mid ah dalka isku soo baxyo Alle looga barayayo in dadka uu dhibaatada ka dulqaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]