Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada nabad-sugida maamulka gobolleedka Galmudug gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Saraakiisha ciidamada nabad-sugida ayaa sheegay in gaariga lagu qabtay inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure.
Warar ayaa sidoo kale intaa ku darraya in gaariga qaraxa siday uu ka yimid deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen in uu soo maray gaariga deegaanada ay gacanta ku heysto Ahlu sunna.
Saraakiisha ayaa nabad-sugida oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga la qabtay oo noociisa u ahaa caasi sidoo kale qabtay raggii wadday.
Ugu dambeyn Saraakiisha nabad-sugida Galmudug ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan gaariga la qabtay iyo faah faaahin intan ka badan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]