4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Guddoonka baarlamaanka oo dalbaday in lagu dhaqsado magacaabista gollaha wasiirada

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo maalintii shalay shir guddoominayay kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay deg deg u soo dhisaan xubnaha gollaha wasiirada.

Guddoonka baarlamaanka ayaa arintan ku micneeyay in ay fududeyneyso ka qeybqaadashada gurmadka abaaraha madaama xildhibaannada u xayiran yihiin ansixinta xukuumada cusub ee la soo dhisayo.

‘’Xildhibaan walba waxaa uu diyaar u yahay in uu dib ugu laabto deegaankii laga soo doortay si dhibta jirya uu ula qeybsado bulshada uu baarlamaanka ku matalayo, islamarkaana uu gacan uga geysto sidii dadkaa loo gargaari lahaa, sidaa daraadeed baarlamaanku waxaa uu u xayiran yahay dhismaha xukuumada si loo korkeeno ayuu yiri’’ guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya,

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa maalintii shalay meel mariyay qarraarka gurmadka abaaraha oo maalmihii ugu danbeeyayba ay dood ka lahaayeen.

Baaqa guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ee ah in lagu dhaqasado dhismaha gollaha wassiirada ayaa imanaya xili uu dib u dhac weyn ka jiro magacaabista xubnaha gollaha wasiirada marka laga eego waqtigii koobnaa ee madaxweynaha uu ku soo magacaabay ra'iisal wasaaraha, inkastoo ra’iisal wasaaraha uu sharciga u ogolaanayo in mudo 30 cisho ah uu ku soo dhiso gollihiisa wasiirada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]