4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2017
Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose

 

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ayaa dagaal culus waxaa uu ku dhexmaray Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalka waxaa uu xoogiisa uu ka dhacay xaaladda Jazeera, ee degmadda Qoryooleey, waxaana uu bilowday, kadib markii ciidamadda Al shabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Jazeera.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmadda Qoryooleey, wali wax war ah kama soo saarin khasaaraha ka dhashay weerarka.

Xaaladda ayaa saaka waxaa ay kusoo noqotay si caadi ah, waxaana dib u biloowday ganacsigii degmadda Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia