4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2017
Al Shabaab oo weeraray gawaari gar-gaar u waday degmadda Qansax-dheere

 

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Dagaal u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka maamulka Koonfur-galbeed, ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen, gawaari waday gar-gaar loogu talagalay dadka abaarta ay ku saameysay degmadda Qansax-dheere.

Hal askari oo ka tirsan ciidamadda maamulka Koonfur-galbeed, ayaa ku geeryooday halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, maamulka ayaa sheegay in shan askari ay ka dileen dagaalyahanada Al Shabaab, ee weerarka kusoo qaday gawaaridii waday gar-gaarka.

Degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa lagu soo warramayaa in ay labadii todobaad ee la soo dhaafay ay 68 qof ugu dhinteen xanuunno lagu sheegay daacuun, kuwaas oo ka dhashay caafimaad darrada iyo biyo la'aanta ay abaaraha keeneen.

Gudoomiyaha degmadaas, Isaaq Cabdi Maxamuud, ayaa sheegay in magaalada Qansax-dheere lafteedu muddo shan sannadood ah ay go'doomiyeen Al-shabaab oo abaarahan ka horba ay yaraayeen isku socodka ay magaaladu la lahayd dalka intiisa kale.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia