4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2017
Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay Qaxootigii lagu xasuuqay Dalka Yemen

 

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xuntahay Qaxootiga Soomaalida ahaa ee saarnaa doontii u socotay dalka Sudan ee lagu xasuuqa biyaha dhexdooda.

Diyaarad Nuuca Qumaatiga u kacda ayaa Gantaal ku dhufatay Doon ay saarnaayeen Qaxooti Soomaali ah oo mareysay Xeebta Xudeefiya ee Wadanka Yaman, waxaana halkaasi ku geeryooday 40 ruux oo Soomaali ah, halka 80 kalana lasoo badbaadiyay.

Isbaheysiga uu Sacuudigu Hogaamiyo iyo Dowladda Yemen ee QM ay aqoonsan tahay, ayaa qaadaya masuuliyaya weerarka, sidaasi waxaa yiri Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar.

“Waxaan ka Xunnahay Xasuuqa Foosha Xun ee lagula kacay Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku Safrayay Doonta, kuwaas oo ahaa Qaxooti Mudo ku noolaa Yemen, balse hadda doonayay in ay Nolol u raadsadaan meelo kale, wax la aqbali karo ma ahan, waxaana Mas’uul ka ah Xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen”ayuu yiri Wasiir Haddliye.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeyn ah oo ay ka geysteen Xeebaha Yemen.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia